Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Galdogob lagu soo gaba gabeeyay dacwad ciqaabeedkii loo haystay shan ka mid ah lix wiil, oo bishii hore ee December laba hablood ku kufsaday duleedka Galdogob.
Culima’udiinka deegaanka oo iyagu lahaa go’aan ka gaarista xukunkan, ayaa waxaa la sheegay in ay ku saleeyeen Shareecada Islaamka.
Culimada, ayaa wiilasha ku xukumay xarig u dhaxeeya shan illaa toban sano, ganaax lacageed iyo jeedal/karbaash u dhaxeeya boqol illaa laba boqol.
Qoysaska wiilasha la xukumay, ayaa waxaa ay aqbaleen in ay ku kalsoon yihiin Shareecada Islaamka, iyadoo ujeedaduna uu ahaa in cadaalad ay hellaan hablihii la kufsaday.
Eedeysane-yaasha oo lix gaaraayay, ayaa waxaa goobta xukunka lagu soo bandhigay shan oo keliya, iyadoo midka kalana la sheegay in weli baxsad uu ku maqan yahay. Eedeysane-yaasha ayaa madasha maxkamadaynta ka soo muuqday, iyagoo min lug iyo gacan ka katiinadeysan.



