DAAWO SAWIRRADA: biyo la’aanta Wabiga Shabeelle

Wabiga Shabeelle ayaa mar kale biyo la’aan noqday kadib markii bartamihii sanadkii la soo dhaafay uu guray, waxaana Wabiga Shabeelle uu maraa Gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Biyo la’aanta ka jirtay Wabiga Shabeelle ayaa saameyn weyn ku yeelatay Dadka Degaanka gaar ahaan dadka degan jiinka Wabiga ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya Wabiga oo ay dhexdiisa marayaan dadka iyo duunyada ,sidoo kalena qallalay, waxaana Beeraleyda ku tiirsanaa biyaha webigan soo food saartay xaalad adag.

Soomaaliya hada waxaa jirta Abaar aad u daran oo saameyn ku yeelatay Dadka iyo Duunyada, waxaan Dowladda Federaalka iyo Maamulada Hoose ay wadaan dadaalo dadkan lagu badbaadinayo.

 

1w 2w 3w 4w 5w 6w