DAAWO SAWIRRADA: Qaraxa ka dhacay Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux xirnaa waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee ku taal Magaalada Baledweyne.

Ruuxa waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Duqa Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cali Mahad Alle oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 2 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo Shacab ah.