DAAWO SAWIRRADA: Musharaxiinta qaar ee isdiiwaan gelisay

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socota isdiiwaan gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama dhowaan ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xarunta Villa Hargeysa oo ah halka la iska diiwaan geliyo ayaa maalmahan ah mid mashquul badan, oo Musharaxiinta ay iska soo diiwaan geliyaan kana soo qaataan warqadooda cadeynta ah.

Ilaa iyo hada waxaa la diiwaan geliyay 15 Musharax, sida ay xaqiijiyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha, waxaana ay kala yihiin:-

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  2. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
  3. Cabdiqaadir Cosoble Cali.
  4. Maxamuud Maxamed Culusow.
  5. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
  6. C/naasir Cabdulle Maxamed.
  7. Bashiir Raagge Shiiraar
  8. Amb. Maxamed Cali Ameeriko
  9. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  10. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  11. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  12. Xasan Sheekh Maxamuud
  13.  Saciid C/laahi Deni.
  14. Saciid Ciise Maxamuud.
  15.  Cali Xaaji Warsame.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay.

Maalinta berri ah oo Axad ayaa la soo gaba gabeynaa diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha, si loo guda galo howlaha kale ee Doorashada.

1j 2j

Farmaajo

16143083_1204636386258557_5827349469032962574_n

AMERICO