Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin ka tirsan Shabaab, kaasi oo waxyaabaha qarxa ku farsameynaayay guri dhexdiisa.
Ninkaan ayeey sheegeen Nabad Suggida Jubbaland muddo inay raadinayeen ayna og yihiin inuu ka tirsan yahay ciidamada Shabaab ee amnidarada ka geysta Magaalada Kismaayo.
Taliye ku xigeenka ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo Axmed Cabdullahi Ciise ( Gaas) ayaa sheegay ninkaan ciidamada inay qabteen, xilli uu isku dayaayay inuu ka baxsado gacanta ciidamada Nabad Suggida.
Wuxuu sheegay markii uu isku dayay inuu ka baxsado gacanta ciidamada in ciidanka ay rasaas ku fureen, kadibna uu dhaawac ka soo gaaray rasaastaasi ciidamada ay ku fureen.



