Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed janaraal C/laahi Cali Caanood ayaa maanta Saxaaafadda usoo bandhigay shan nin oo ku hubeysana qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen dhaca dadka socotada ah ee mara waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degaanka Lambar 50.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayuu sheegay howlgal ay saameyeen in ay kusoo qabteen raggaan oo dhibaato ku haayay Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa burcad kasta oo hubeysan ama magac ciidan ha wadato ama magac shacabka ha wadatee in aan loo saamaxeynin in dib dambe shacabka Soomaaliyeed u dhibaateyso” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka xooga dalka.




