Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho mar marba marka ka sii dambeysa waxa ay noqoneysaa mid qaabisha Hormaro iyo iftiin hor leh, maadaama shacabka ay ku tartamayaan waxyaabaha bilicda ah ee dalka lagu hormarin karo.
Muqdisho waxaa si gaar ah hada ugu soo badanaya Goobaha Waxbarashada oo ay ka mid yihiin Iskuulaadka, Jaamacadaha, Hoteelada, Xarumaha indha-doogsiga ku wanaagsan iyo goobo kale oo aan la soo koobi karin.
Koox ka tirsan Risaala oo maanta oo Jimco ah ka baxay xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala ayaa waxa ay socod dheer ku soo mareen wadooyinka waa weyn ee Muqdisho iyaga oo adeegsanaya Gaari mararka qaarna lugahooda ayaa waxa ay sheegeen Magaalada in ay talaabo u qaaday wadada Hormarka, maadaama hada dalka uu galayo marxalad cusub.
Shacabka qaar oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen sanado kale oo hada soo socda in dalka uu gaarayo meelo sare oo dadka iyo dalka ay guulo ku gaari karaan taasina ay u baahan tahay dadaal dheer.
Sawirada Halkan Hoose aad ka daawan doontaan waa xarunta Beerta Nabadda oo ka mid ah xarumihii aan maanta booqashada ku taknay, waxaa isugu yimid dadyow aad u fara badan, kuwaasi oo isugu jira Haween, Dad Da’ah, iyo Caruur heshay fursad mar la arag ah, waxayna u soo baxeen Damaashaadka Jimcaha.




Sawir Qaade:- A/rashiid Ali Dubad



