Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah furay kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Shacabka Jubbaland.
Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha shacabka waxaa maanta goob joog ahaa 52 Mudane oo katirsan Golaha iyadoo sidaas uu kulanka ku furmay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulanka furay isagoo Madaxweynaha uga warbixiyay Fasaxii ay mudada ku maqnaayeen iyo booqasho Xildhibaano katirsan Golaha ay ku tageen deeganada ay matalaan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa qudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka.
Madaxweynahu wuxuu ugu horayn ka hadlay abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in ay sabab u tahay amaanka dalka oo aan wanaagsanayn iyo isku socodka oo xun maadama aan meelaha qaar ee Al-Shabaab ay maamulaan aan wax taakulo ah la gaarsiin Karin.
Isbadalkii dhawaan dalka ka dhacay waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu ahaa mid dadku ay aad usoo dhaweeyeen balse loo bahan yahay in Dowlada iyo madaxda Cusub la garab istaago oo lala shaqeeyo qofka u hooseeya ilaa midka u sareeya si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagto.
Dhinaca amaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in amaanka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale xorta ahba uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taasna ay ka timid isku duubnida Bulshada iyo Ciidanka isagoo Xildhibaanada kula dardaarmay in ay qaby ka qaatan wacyi galinta iyo ku baraarujinta Bulshada sidii ay Ciidamada ula shaqayn lahayeen.




