DHAGEYSO: Wasiiro xilalkooda la Wareegay

Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wali wadda la wareegitaanka Wasaaradaha loo soo magacaabay.

Munaasabado kooban oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa xilalka kula wareegay Wasiirada Wasaaradaha Dastuurka, Xanaanada Xoolaha , Beeraha , Ganacsiga iyo Warshadaha.

Xil la wareegitaanka Wasiiradaasi dhammaantood waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlaayay  muhiimada ay leedahay  Wasaarada Dastuurka, ayaa  carabka ku adkeeyey in madaxda dalka howsha ugu weyn ee hortaala ay tahay dhameystirka Dastuurka iyo hirgelintiisa.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay dastuurka iyo sidoo kale Nidaamka Federaalka ah ee ay qaateen Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa xilka kala wareegaya Wasiirada hore ee Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid.