DAAWO SAWIRRADA: Arday ka qalin jebisay jaamacadda Somalia

Muqdisho-RisaalaFM- Maanta Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen Ku dhawaad 500 oo Arday oo dhameysatay Heerka Koowaad ee Waxbarashada Jaamacada Soomaaliya “ UNISO”.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Waalidiin, Xubno ka socday Shirkaddaha kala duwan ee Muqdisho ka howlgala, Marti sharaf, Macalimiin iyo Maamulka Sare ee Jaamacada Soomaaliya “UNISO”.

Ardaydan ayaa waxa ay barteen qeybaha kala duwan ee Waxbarashada Sida Cilmiga Bulshada, Siyaasada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Qeybaha kala duwan ee Kumbiyuutarka, Qeybaha kala duwan ee Caafimaadka, Waxa ayna yihiin Dufcadii 9-aad ee ka qalin Jebisa Jaamacada Soomaaliya “ UNISO”.

 

Sawir Qaade:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

UNISO 1 uniso 2 UNISO 3 UNISO 4 uniso 5 UNISO 6 UNISO 7

UNISO 8

UNISO 10 UNISO 11 uniso 12 UNISO 13 UNISO 14

UNISO 18

UNISO 16

uniso 15

UNISO 17