Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Xukumada Soomaaliya ayaa la kulmay wasiirka Bii’ada iyo isbedelka Cimilada iyo Xoolaha ee Dowlada isutaga Imaaraadka.
Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaaradda Bii’ada iyo isbedelka Cimilada & Xoolaha ee dalka isutaga Imaaraadka(UAE), waxaana kulanka goobjoog ka ahaa wakiillo kasocda Maxjarrada Muqdisho iyo Boosaaso iyo Dhakhaatiir xoolaha ah.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka C/qaadir Shiikheey iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada safaaradood.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira xallinta caqabado in dhaweyd la soo dersay dhoofinta xoolaha Soomaaliya iyo sikaashi dhexmara labada wasaaradood.
Labada wasaaradood ayaa ku heshiiyay in xal laga gaaro sidii loo qaadi lahaa xanibaadda uu dalkaasi ku soo rogay xoolihii loo dhoofin jiray, waxaana la isla dhisay guddi wadajir ah oo ka kooban Soomaliya iyo Imaaraadka, kuwaasoo ka shaqayn doona sidii loo hirgalin nidaam wada-shaqayn, iyadoo la dhowraya tayada iyo shuruudaha wadanka wax loo dhoofinayo iyo nidaam koontorol iyo baaris oo Wasaarada Xanaanada Xoolahu ku soo rogi doonto dhamaan Maxjarada xoolahu ka dhoofaan ee Soomaliya.
Hoos ka Daawo Sawirada:-



