Daawo Sawirada Wadooyinka Muqdisho oo Saaka xiran

Waxaa saaka xiran  wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la soo dhigay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa gaadiidka iyo dadka u diidaya in ay Isticmaalaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan ,waxaan dadweynaha Saaka ay ku xareysan yihiin Guryahooda.

Dhammaan Isgoysyada ugu muhiimsan Muqdisho ayaa Saaka xiran.

Sidoo kale Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu jaray Dhagaxaan iyo carro aad u farabadan.

Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo Berri.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay Shacabka kunool Muqdisho ka codsaday in ay dulqaataan maalmaha Talaadada iyo Arbacadda.

 

16427385_807371829403802_708790372362958029_n 16427264_1253370651411867_4553655153026084570_n
16472852_807371716070480_4196478774210548681_n16426295_807371916070460_2540339166804457591_n 14281445_1229821920430060_345697222_n