Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah shirka u furay, waxaana uu sheegay in Shirka ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed.
Waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Shirka ayaa intabadan diirada lagu saaraya arimaha doorashooyinka .
Waxaa ka mid ah qodobada sida aadka ah looga hadli doono tabashada ay qabaan maamulka Puntland ee ku aadan doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.



