Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka waxa ay ka wadaan Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wariyaha idaacadda Risaala ee Magaalada Baledweyne ayaa kusoo waramaya in ciidanka dowlada Soomaaliya ay xireen dad intii ay wadeen howlgallada.
Howlgalka ayaa ka socda intabadan Xaafadaha Magaalada Baledweyne , waxaana lagu xaqiijinaya ammaanka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo darawalada ku amraaya in aysan hareeraha wadooyinka aysan dhigin gawaarida ayaa lagu arkeeyay Maanta Magaalada Baledweyne.


