Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo cid walbo oo dowladda ku mucaaradeysa afkaarta.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo Xuriyada hadalka iyo dimuqraadiyada.
Waxa uu sheegay in qof walbo oo talo iyo tusaalo u keenayo Madaxda Dowladda ay soo dhaweynayaan isla markaana ay diyaar u yihiin in ay dhageystaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu soo dhaweynayo in cid walbo oo ka qeyb qaadaneyso dhisida Dalka iyo hormarkiisa isla markaana aysan jirin cid ay ra’yigooda ku celinayaan.


