Shirkaan oo looga hadlaayay tayeynta maamulka Maaliyadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda dowladda Soomaaliya, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo sidoo kale xubno ka socday Midowga Yurub.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim fargeeti oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la tayeeyo Maaliyadda Ciidanka Booliska.
Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in sanadyadii lasoo dhaafay sare loo qaaday horumarinta Maaliyadda Ciidanka booliska Soomaaliyeed.




