Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay biyo dhaamin ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Degaanada Al-Shabaab ay Biyo dhaaminta ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Jowle iyo Dumaaye.
Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Mudug Sheekh Abuu Cadnaan, ayaa sheegay ku dhawaad 30 tuulo oo ka tirsan Gobolka Mudug inay gaarsiiyeen biyo dhaaminta ay sameeyeen Shabaab.



