Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah madaarka Caalamiga ah ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubno katirsan labada gole ee Dowlada Jubbaland iyo dadweyne kala duwan ayaa iyana ka qayb galay soo dhawaynta Madaxweynaha.
Soo dhawayn kadib labada Madaxweyne ayaa shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Saxaafada waxaa ay ka hadleen arimo kala duwan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu aad ugu Faraxsan yahay in uu soo dhaweeyo Madaxweyne Xasan isagoo xusay in hawlo la xiriira go’aaminta mustaqbalka dallka oo dhawaanahan kasocday Kismaayo ay kusoo dhamaadeen si heer sare ah gaar ahaan Doorashooyinkii Aqalka Hoose.
Axmed Maxamed Islaam wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay in uu Kismaayo kusoo dhaweeyo Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo hoosta ka xariiqay in uu kamid yahay dadka xil doonta ah ee dhawaanahan kusoo qulqulayay Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyay sida heer kedu sareeyo ee Kismaayo loogu soo dhaweeyay isagoo xusay in uu kismaayo u yimid dhawr arimood oo kala duwan.
Mida ugu horaysa ayuu ku sheegay in ay tahay sidii Dowlada iyo Shacabka ree Jubbaland uu ugu Hambalyayn lahaa guusha ay ka gaareen arimaha Doorashooyinka Aqalka Hoose oo uu xusay in ay tahay arin Tariikhi ah oo ay Maamulada kale kaga horayso.
Sidoo kale waxaa uu carabaabay in uu doonayay in uu arko Hormarka isa sii taraya ee Jubbaland ay gaarayso maalinba maalinka ka danbeeya isagoo xusay in Hormarkaas uu yahay mid ku yimid isku tashi iyo wada jir Bulshada ah ayna tahay arin loo bahan yahay in Jubbaland lagaga daydo.
Mar uu ka hadlayay arimaha Doorashooyinka ayuu sheegay in uu u ymid sidii uu Shacabka iyo Xildhibaanada Cusub ugala tashan lahaa hawlaha la xiriira ololahiisa Doorashada isagoo carabka ku adkeeyay in hankiisa uu ku doonayo in uu mar kale Xafiiska kusoo noqdo uu Bulshada weydiisanayo oo uu kala hadlayo sidii hawlaha Doorashadana loo dar dar galin lahaa.



