Madaxweynihii hore ee Jarmalka ayaa geeriyooday sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Jarmalka.
Madaxweynaha dowladda Jarmalka ayaa goordhow Warbaahinta u sheegay in isbitaalka uu ku geeriyooday Roman Herzog .
Madaxweynaha Geeriyooday ayaa ahaa hogaamiyihii Jarmalka 1994 ilaa iyo 1999 kii.
“Wuxuu geeriyooday saacadihii hore ee Taalada waxaana uu ku dhintay isbitaal u dhow magaalada uu ku dhashay ee gobolka koonfur-galbeed ee Baden-Wurttemberg” ayuu yiri Afhayeen u hadlay dowladda.
Madaxweynahaan ayaa lagu xasuustaa sidii uu dhaqaalaha dalka Jarmalka uu sare ugu qaaday.





