Daawo Sawirada Madaxweynaha Puntland oo gaaray Garowe

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayey oo Muqdisho uga qayb galay shirkii Madasha wadatashiga Qaran  ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Konoko ee duleedka Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Puntland, Maamulka gobolka Nugaal, Ururka Haweenka iyo Qeybaha kale ee Bulshada.

Markii uu gaaray magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali  ayuu la hadlay saxaafada, waxaana uu ka mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay.

IMG_3408 IMG_3404 IMG_3402 IMG_3401 IMG_3417 IMG_3414 IMG_3413 IMG_3412 IMG_3409