Howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ciidanka Komaandooska Soomaaliya ayaa lagu soo waramaya in ay gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in ay ku sugnaayeen magaalada Gaalkacyo.
Madax ka tirsan maamulka gobolka Mudug oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in ay jiraan rag ka tirsan Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal Komaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen Gaalkacyo.
Ciidamada DANAB ayaa gacanta kusoo dhigay Siciid Cabdulaahi Abukar (Suudaani) oo Al- Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo IT-ga.
Ciidanka Komaandooska Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen 5 Ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.
Ciidanka DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgalo balaaran ka waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


