Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug .
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Okaasho Airport ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Galmudug, Maamulka gobolka Mudug, Ururka Haweenka iyo Qeybaha kale ee Bulshada.
Markii uu gaaray magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayuu la hadlay saxaafada, waxa uuna ka mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in hada caafimaadkiisa uu yahay mid wanaagsan maadaama dhowaan qaliin lagula sameeyay dalka Hindiya.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay ciidamo dhawaan gaaray magaalada Gaalkacyo oo la sheegay in ay yihiin ciidanka Danab oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in hadii la la dagaalamaayo argagixisada in ay haboon tahay in la soo maro hay’adaha ammaanka u qaabilsan maamulka Galmudug.
Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa sidoo kale si weyn uga soo horjeestay qodobo ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran islamarkaana uu sheegay in Xubnaha Aqalka Sare Puntland loogu kordhiyay Labo Xubnood.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu sii amba qaadi doono hawlaha shaqo ee uu ka hayay Maamulka Galmudug.


