Daawo Sawirada Gaadiid Ciidan oo lagu wareejiyay Puntland

Waxaa maanta maamulka Puntland lagu wareejiyay gaadiid ciidan oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah ciidanka booliska maamulka Puntland.

4  Gaari oo ay  Maalgelisey Hay’adda SSF isla markaana waxaa fulinaysey Hay’adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta degmo ee kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland oo ka hadlay goobtii baabuurtan Puntland loogu wareejinaayey ayaa u mahadceliyay hay’adihii fuliyay barnaamijkaan waxuuna sheegay in baabuurtan lagu adkeyn doono amniga deegaanada loogu talagalay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxar-diid oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay ,islamarkaana lagu wareejin doono taliyeyaasha degmooyinka loogu tala galay.

p1-1 p7 p6 p5 p4-1 p3-1 p2-1