Shacabka ku dhaqan Magaalada Banjul ee Xarunta Gambia, ayaa bilaabay in ay isaga cararan guryahooda, iyadoo dadku ka baqayan in lagu dul dagaalamo.
Dadka ka cararaya Magaalada Banjul, ayaa waxaa ku jira shisheeyaha dalxiiska u joogay dalkaasi, waxaana Arbacadii mashquul darani laga dareemay Garoonka Banjul ugu wayn.
Barakaca ka soconaya Caasimadda Gambia, ayaa waxaa sabab looga dhigay Madaxweyne Yahya Jammeh oo diiday in uu xilka wareejiyo iyo dalalka deriska oo ciidan soo dhoobay xuduuda.
Dalalka Senegel iyo Nigeria, ayaa ciidamadoodu lagu arkayaa xuduuda. Senegel waxaa ay horey ugu hanjabtay in tallaabo ka qaadi doonto Gambia, haddii aanu Madaxweyne Yahya Jammeh aqbalin in doorashada looga guuleystay, daba-yaaqadii 2016.
Adama Barrow oo la sheegay in doorashada uu kaga guuleystay Yahya Jammeh, ayaa hadda ku sugan Senegal. Senegal waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ka codsatay in ay meel mariyan qaraar qeexaya in Wadamada Afrikada Galbeed (ECOWAS), ay tallaabo ka qaadi karaan Xukuumadda Banjul.
Madaxweyne Jammeh, ayaa weerar afka ah ku qaaday ECOWAS, iyadoo uu ku eedeeyay in ay doonayan fara-gelin ay ku soo sameeyan dalkiisa, balse waxaa uu ku goodiyay in Gambia ay is difaaci doonto.











