Al Shabaab ayaa degmada Jilib ee ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe, kusoo bandhigay ciidamo cusub sida ka muuqatay Sawirro ay ku baahiyeen Warbaahintooda.
Ciidamadaan ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in ay ka shaqeyn doonaan wanaag Farista iyo xumaan reebida dadka kunool degmada Jilib.
Ciidamada ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa watay dhar ka duwan kuwii lagu yaqaanay Ciidamada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa inta badan gacanta ku haya degmooyinka gobolka Jubbada Dhexe.



