Muqdisho-RisaalaFM- Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA,waxaana caawa lagu soo bandhigay mid ka mid ah xarumaha Hay’adaha amaanka Dowladda.
Sarkaalka ka soo goostay Shabaab ee ku soo biiray Dowladda Soomaaliya sidoo kalena caawa lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibraahim Aadan Ibraahim {Ibraahinm Nadaara}.
Sarkaalkan ayaa Shabaab ugu qaabilsanaa Madaxa Xafiiska Waxbarashada Gobolada Baay iyo Bakool, waxaana uu sheegay in uu Maktabado dhowr ah oo Shabaab ay leeyihiin uu ka soo shaqeeyay.
Wuxuu sheegay in Shabaab uu ka mid ahaa mudo ku dhow 9 sano, fikirkan ka bixitaanka Shabaabkana uu ku soo dhashay Labo sano ka hor, isagoo intaa ku daray ujeedada ugu weyn ee uu Shabaab uga soo baxay in ay aheyd Qaladaad badan oo ka jiray dhanka maamulka iyo arimo kale.



