Muqdisho-RisaalaFM- Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, sida ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.
Sarkaalka ka soo goostay Shabaab ee ku soo biiray Dowladda Soomaaliya ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Aadan Ibraahim.
Sida NISA ay sheegtay Warbaahinta ayaa loo soo bandhigi doonaa Sarkaalkan.


