DAAWO: Sarkaal Faa’iso oo baaq u dirtay Madaxda Qaranka

Muqdisho-RisaalaFM- Faa’iso Cabdi Cusmaan waxay ku magac dheer tahay (Furqaan) waa Hal xidigle ka tirsan saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, iyada oo shaqada Qaranka ku jirta ayay shil gashay, waxayna ka jabtay Laf dhabarta.

Si dhaawaceeda loo daweeyo waxaa loo qaaday dalka Turkiga, balse wax waa looga qaban waayay, dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in Dawadeeda laga heli karo dalal uu ka mid yahay Jarmalka, dhaqaale dalka jarmalka ay ku tagto ma heysato, dalka aya dib loogu soo celiyay.

Waxaa intaas ka daran mudada caafimaadkeeda wax looga qaban karo ayaa aad u kooban.