Muqdisho-RisaalaFM- Shalay oo ay Taariikhda ku beegneyd 24 April 2017 Idaacadda Risaala ayaa gar gaar Caafimaad waxa ay u sameysay ku dhawaad 100 qof oo ka mid ahaa dadkii ka soo barakacay Abaarta ka jirta gobolada Dalka.
Barnaamijkan ayaa Idaacadda Risaala waxa ay la kaashatay Maamulka Isbitaalka Soomaali Siiriyaan iyo Jaamacada JOBKEY, waxaana fududeeyay Maamulka Degmada Kaxda Maadaama dadka gar gaarka loo sameeyay ay ku nool yihiin Degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed C/llaahi Ismaaciil ayaa Maamulka Risaala ku amaanay howsha adag oo ay bulshada u heyso iyo go’aanka ay sanadkaan qaadatay.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Mudane Maxamed C/wahaab C/llaahi ayaa ka warbixiyay howsha ay ka qabteen Degmada Kaxda iyo inta qof ee ka faa’iideysatay gar gaarkaasi Caafimaad.



