DAAWO: Micheal Keating oo kulan la qaatay Maamulka Hiiraan

Hiiraan-RisaalaFM- Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Ariimaha Somalia Micheal Keating ayaa Manta kulamo gar gaar ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo Ugaas Xassan Ugaas khaalif.

kulanka hore ayaa dhaxmaray Micheal Keating, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Ugaas Xassan Ugaas khaalif, iyado kulanka ay saxaafadda dibad joog ka aheyd islamarkaana la ogeyn qodobada rasmi ah ee looga wada hadlay.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Micheal keating ayaa kulanka labaad la qaatay Maamulka Heer gobol iyo degmo, iyo ururada bulshada rayidka iyado looga wada hadlay sida la iskaga kashan karo caawinta dadka abaaruhu ay sameeyeen, iyado la isku afgartay in si wada jir ah looga shaqeeyo caawinta dadka dhibaateysan.

Micheal Keating ayaa sheegay in doorkooda ku aadan caawinta dadka dhibaateysan ay muujin  doonaa isago sheegay in bulshada degan Gobolka Hiiraan looga bahan yahay  in ay la shaqeeyaan Maamulka Hirshabeelle waxan u sheegay in Ciidamada aysan  sugi karin aminga hadii aan la helin bulshada heshiis ah islamarkana loo bahan yahay in beellaha ay heshiyaan,

Wakiilka QM ee Somalia Micheal keating ayaa kormeeray suuqa Xoolaha Baladweyne Gaar ahaan Xaafadda Kooshin halkaaso lagu iibinayay xolo laga kala keenay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan isago dadka weydinayay qiimaha la siisanyo neefka ariga iyago sheegay in neefka ariga xiligan la iibiyo lacag dhan 6 doollar maadaam xiligan ay abaaro ka jira dalka iyado arintan u si aad ah ula yaabay.

 

1d 2d 3d 4d 5d 6d 7d 8d 9d 10d 11d 12d 13d 14d