DAAWO:- Maxay ujeedka safarka RW Xamse ee degmada Aadan-yabaal?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta berito ah uu safar ku tago degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Degmada Aadan-yabaal ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha dalka, isaga oo ujeedka safarkiisa uu yahay sidii loo dar dar gelin lahaa howlgallada ka dhank ah Al-Shabaab.

Halkan ka Daawada Warbxiinta Safarka Ra’iisul Wasaaraha