DAAWO:- Mahad Salaad oo amray in la baaro dilka Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Taliye Mahad Salaad ayaa amray qaybaha baarista ee hay’adda in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiska geerida Taliye Bakaal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgallada dalka looga saarayo  laguna bartilmaameedsanayo Saraakiisha Al-Shabaab  uusan joogsan doonin xanuun kasta oo soo gaara geesiyaasha u taagan difaaca dalka iyo dadka.

Halkan ka Daawada sida uu u dhacay dilka Taliyihii Nabadsugida Gobolka Gedo