Khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan ayaa ka dhashay dab Maanta ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ug weyn Soomaaliya, kaas oo kuyaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.
Dabka ayaa goobjoogayaal Risaala u sheegeen in uu markii hore ka kacay Gaari TM ah, balse uu ku faafay in ka badan 12 Goobood oo Ganacsi, kuwaas oo kuyaalla Suuq Bacaad.
Qaar kamid ah Ganacsatada oo la hadlay Risaala TV ayaa sheegay in hanti farabadan ay uga gubatay Goobta, isla markaana dabkii Maanta uu saameyn weyn ku yeeshay Ganacsiooda.
Halkan ka Daawada Warbixinta Dabka.



