Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa xalay waxa ay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ka sameeyeen Howlgal ka dhan ah Shabaab, waxaana ay soo qabteen 6 Nin oo Shabaab lala xiriirinayo.
Ciidanka Dowladda ayaa xalay Howlgallada si gaar ah waxa ay uga sameeyeen xaafadaha Via Liberia, Suuqa Beerta, Ansalooti, wadada Israac iyo xaafado kale, waxaana la arkaayay iyagoo gudaha u galaya guryaha.
Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Howlgadan in ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo, maadaama Magaalada Muqdisho ay ka socdaan Doorashooyin.
Waxa uu sheegay baaritaano is daba joog ah in ay ka bilaabeen Degmooyinka ku dhow goobaha ay ka socdaan Doorashooyinka, si loo xaqiijiyo amniga, isagoo sidoo kale sheegay Ciidanka Amniga in ay ku guuleysteen sugidda amniga.
Taliye Bishaar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay raggan ay soo qabteen, kuna soo bandhigeen Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, in ay ku tuhmayaan Al-Shabaab, balse la marsiin doono baaritaano lagu xaqiijinayo.



