Minnesota-RisaalaFM- Soomaali-Mareykan Qaxootinimo ku galay Gobolka Minnesota ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ku kacay Dambi kufsi ah.
Wiilka Soomaaliga ah oo 22 sano jirka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Harir Ayaanle, waxaana lagu soo oogay dambi ah in uu kufsaday gabar yar Jimcihii aynu soo dhaafnay.
Maxamed Harir Ayaanle ayaa la sheegay dhowaan in ay bilaaban doonto Maxkamadeyntiisa, waxaana lagu ridi doonaa sanado xabsi ah iyo lacago ganaax ah, hadii dambigiisa uu ku cadaado sida ay sheegeen xubno ka tirsan Maxkamadda Gobolka Minnesota.
Booliska Minnesota ayaa gacanta ku soo dhigay wiilkan Dhalinyarada ah, isaga oo doonayay in uu baxsado sida ay sheegtay Crookston Times.
Wargeyska kale ee The times ayaa qoray in eedeysane Maxamed Harir Ayaanle lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan 5,000 oo Dollar, iyadoo shuruud looga dhigay inuusan ka bixi Karin Gobalka Minnesota.
Sidoo kale Booliska Gobolka Minnesota ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo Dhalinyaro kale oo lala xiriirinayo falkan kufsiga ah.
Magaalada Minneapolis, ee Gobolka Minnesota ayaa waxa ay hoy u tahay bulsha weyn Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku nool, waxaana lagu qiyaasay 70,000 oo qof.


