Galgaduud-RisaalaFM- Shabaab ayaa gacmaha Labo Wiil oo dhalinyaro ah, uga jaray Fagaare ku yaala Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
Labadan Dhalinyaro ee ay Shabaabka gacmaha ka jareen ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen fal xotooyo ah, waxaana Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Galgaduud ay Labadan wiil ku riday xukun ah in gacmaha laga gooyo.
Faarax Bile Maxamed iyo Quuri Cusmaan Cabdi ayaa lagu kala magacaabaa Dhalinyarada Al-Shabaab ay gacmaha ka gooyeen, waxaana ay Maxkamadda ka hor qirteen falka xatooyada ah oo ay geysteen.
Goobta gacmaha looga jarayay Dhalinyaradan ayaa waxaa joogay Boqolaal ka mid ah Dadweynaha Degmada Galhareeri oo Shabaabka ay isugu yeereen fagaaraha in ay yimaadaan.
Falkaan gacan goynta ah ee Shabaabka ay u geysteen dhalinyaradaasi ayaa wuxuu shalay galab ka dhacay Fagaaraha Degmada Galhareeri.


