DAAWO:- Dil Aragagax leh oo ka dhacay Muqdisho & faah faahin laga helay

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Maanta waxaa ay kudileen Waaxda Horseed ee degmada Xamar-jajab  ee Gobolkan Banaadir Nin la sheegay in uu ahaa Nabaddoon, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Nabaddoon Faqay Cabdulle Mayoow ayaa mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka maaliyada degmada Awdhiigle, kaas oo ehelkiisa ay sheegeen in xilka marhore laga qaaday.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga Soomaaliya ayaa tegay halka uu ka dhacay dilka, iyaga oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka, kadibna sameeyay howlgal xoogan wallow aysan jirin cid weli loo qabtay dilkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in xilliga uu dilka dhacayay Nabaddoon Faqay Cabdulle Mayoow uu la sheekeysanayay Rag Asxaabtiisa kamid ah, hayeeshee uu dambeyn la dilay, waxaana Goobta lagu dilay ay kamid aheyd meelaha ugu amniga badan Magaalada Muqdisho.