DAAWO: Aabe Soomaaliyeed oo 5 caruur ah ku waayay Duqeyn ka dhacday Jillib

Muqdisho-RisaalaFM- Aabe C/laahi Macalin Xuseen waa Lixdan sano jir waxa uu Alle siiyay caruur fara badan, balse labo ka mid ah caruurtiisa oo bah kale ah kuna sugan Magaalada Muqdisho, waxa ay noqdeen kuwo Maskax ahaan aan wanaagsaneyn, oo waxa ay waxyeelo soo gaartay markii ay maqleen dhacdo xanuun badan oo qabsatay walaalahooda, Afar sano ka hor.

C/laahi Macalin Xuseen maskax ahaan isaga waxba iskama aysan bedelin, waa mid ku qanacsan qadarta Alle ee Afar sano ka hor qabsatay isaga, balse haatan waxa uu la daalaa dhacayaa waxyeeladii soo gaartay labadiisa wiil oo dhalinyaro ahaa.

XIGASHO:- SOMALI CABLE TV