Jowhar-RisaalaFM- Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa maanta ku soo baxay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.
Daahir Amiin Jeesow ayaa helay codad gaaraya 30 cod, halka Xamza Xaadow oo la tartamayay uu helay 21 cod.
Ergooyinka ku sugan Magaalaa Jowhar ayaa soo dooranaya xubnaha xildhibaanada ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.
Doorashada ka socota Magaalada Jowhar ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo maalmaha soo socda, sida ay horey u sheegeen Maamulka Hirshabeelle.


