Daacish oo sheegatay Weerar uu fuliyay nin Soomaali ah

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa sheegatay in uu ka tirsanaa Askartooda muwaadin Soomaaliyeed oo habeen hore weerar ku qaaday Askar ka tirsan ciidamada dowladda Bulgium.

Kooxda ayaa ku daabacday  Wakaalada wararka u faafisa ee lagu magacaabo Amaq in weerarkaasi waxyeelo lagu gaarsiiyay Askar ku sugneyd Magaalada  Brussels.

Waxa ay sheegtay Daacish in ninkaasi Soomaaliga uu ka mid ahaa Askartooda loogu tala galay in ay howlgallada ka fuliyaan Qaaradda Yurub.

Daacish Ma sheegin magaca ninkaasi,laakiin Booliska ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu fuliyay Muwaadin Soomaaliyeed oo da’diisu tahay 30 sano jir.

Ninkaan Soomaaliga ayaa la sheegay inuu galay dalka Belgium sanadkii 2004, waxaana uu dhalashada dalkaas uu qaatay sanadkii 2015.

Xafiiska dacwad oogaha federaalka Belgium ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyay aan lagu aqoon “taageeridda argagixisada,” uuna ku dhawaaqayay Allahu Akbar markii uu weerarka fulinayay.

Milateriga dalkaasi ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka Belgium, gaar ahaan caasimadda Brussels tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii halkaa ka dhacay bishii Maarso 2016, kaasoo ay ku dhinteen 32 qof.

Caasimadaha Yurub ayaa heegan ku jira, ayadoo laga casbi qabo in ay xilli kasta ay ka dhici karaan weerarro argagixiso.