Todobo kamid ah mucaaradka sida aadka ah loo yaqaano ee dalka Cuba ayaa loo ogolaaday inay safri karaan, taas oo ah tallaabo imaaneyso isbuucyo ka hor booqashada Obama ee la qorsheynayo.
Dowladda Cuba ayaa tilmaamtay in tallaabada ay xubnaha mucaaradka u ogolaaneyso inay halmar u safraan dibadda, taas oo lagu sheegay inay abaalmarin u tahay dhaqan wanaagsan.
Iyadoo ay 3-dex isbuuc oo kali ah ay ka harsantahay boqashada tariiqiga noqon doonta ee uu Madaxweyne Obama ku tagayo dalka Cuba, ayaa waxaad moda in dowladda Cuba ay ka sii jawabeyso qaar ka mid ah su’alihisa ku addan arimaha xaquuqul insaanka, oo waxa ay dowladda uu ogalaatay 7kamid ah hogamiyaysha mucaaradka in ay safran.
Arintaani ayaa dowladda u ah tusaale cusub oo ay ku mujinayso in si caddalad ah ay ula dhaqmayso hogamiyayasha mucaaradka ee jasiradda.
Sido kale go’aanka ayaa dowladda Castro u noqonaya arin muhim u ah, oo waxa laga yaaba in hogamiyayashani ay qaatan go’anka ah in ay iska aadan dalka Mareykanka.
Arrintaasi waxay fududeyneysaa in dowladda ay ka saarto dooda ka dhax taagan Cuba gudaheeda.
Dadkan mucaaradka ah ayaa waxa ay ka mid ahayeen koox 75qof ka goobneyd oo ka soo horjeeday dowladda kuwaasoo la xiray sanadii 2003-dii.
Dhanka kale hay’adaha xaquuqul insanka ayaa go’anka ay qadatay dowladda Cuba soo dhaweyay, halka qaar ka mid ah mucaaradkana ay ka shaki qabaan go’anka ay dowalddu qadatay.