Cristiano Ronaldo oo Ka Hadlay Hamigiisa Ballon d’Or ee sannadkaan

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa daaha ka qaaday in uusan u waalneyn ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkaan 2016.

31 sanno jirkaan ayaa seddax jeer ku guuleystay abaalmarintaan Ballon d’Or intii lagu jiray xirfaddiisa ciyaareed, wuxuuna markale maray xilli ciyaareed guulo leh 2015 illaa 2016 markaasoo uu Real Madrid la qaaday koobka UEFA Champions League, halka uu xulkiisa Portugal kula guuleystay tartanka UEFA Euro 2016.

Ronaldo ayaa shalay qandaraas cusub oo uu kusii joogayo shanta sanno ee soo aadan wuxuu u saxiixay kooxdiisa Real Madrid wuxuuna haatan sii joogi doonaa illaa 30ka June 2021ka, wuxuuna sheegay inay guulaha kooxdiisu ka muhiimsan yihiin guulihiisa shaqsiga ah.

Markii la weydiiyey haddii uu gaari karo 500 gool oo Real Madrid ah, isagoo haatan kooxdaan u dhaliyey 371 gool, Ronaldo ayaa u sheegay saxaafadda: “Waxyaabahaan waa wax dabiici ah oo iska dhaca. Marnaba kuma fikireyn inaan jebin doono rikoorkii Raul.

“Inaan dhaliyo 500 oo gool anigo xiran maaliyadda Real Madrid waa wax macquul ah, laakiin uma waalanayo middaas. Waxaa iiga muhiimsan inaan koobab kula guuleysto kooxdeyda.

“Ballon d’Or muhiim ayey ii tahay inaan ku guuleysto, laakiin iiguma muhiimsana sida ku guuleysigii Champions League iyo UEFA European Championships. Billadaha koox ahaaneed ayaa ka wanaagsan hanashada billadaha shaqsi ahaaneed.”

Ronaldo ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in uusan ku fikireyn inuu xilli hore ka fariisto ciyaaraha caalamiga ee qarankiisa Portugal.