Coutinho oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Barcelona iyo horyaalka shiinaha

Kubadd abuuraha kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona iyo kooxaha horyaalka shiinaha.

Philippe Coutinho oo iska dhago tiray dhamaan dalabyada u imaanaya ayaa isbuucii hore u saxiixay kooxdiisa heshiis dhacaya ilaa 2022.

Balse wuxuu beeniyay inuu ku fikiray u dhaqaaqida shiinaha ama kooxda Barcelona, wuxuuna intaa ku daray in marwalba uu jeclaa inuu ka mid noqdo halyeeyada kooxda Liverpool.

“Uma baahnayn inaan sugo (Heshiis kordhinta), waan garanayaa waana la noolahay wararkaas maalin walba, laakiin waxaan u jeedaa hamiga kooxda iyo shaqada ay qabanayaan asxaabteyda iyo tababaraha, maxaan u sugayaa? wuxuu ahaa waqtigii ugu haboonaa inaan saxiixo heshiis cusub” ayuu yiri Philippe Coutinho.