Muqdisho-RisaalaFM- Shirkadda Cheap Computers ayaa maanta abaalmarisay mid ka mid ah Dhageystayaasha Idaacadda Risaala, taasi oo ka qeyb qaadatay Tartan ay Idaacadda qabatay.
Anisa C/laahi Axmed oo ah Gabadha la abaalmariyay ayaa waxa ay ku guuleysatay Lab-top ay ugu tala gashay Shirkadda Cheap Computers, kadib markii ay ka soo dhex baxday Tartan lagu dhex qabanayay Barnaamijka Dhalinyarada, gaar ahaan xubinta ku naso Afkaaga-hooyo.
Agaasimaha Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi iyo Madaxa suuqgeynta Shirkadda Cheap Computers Salaxudiin Maxamed Cusmaan ayaa goob ka ahaa Abaalmarinta la gudoonsiiyay Anisa C/laahi Axmed, taasi oo lagu soo aadiyay dabaal dega sanadguuradii Lixaad ee Risaala oo maanta ku beegan 24-ka April.
Xubinta ku naso Afkaaga-hooyo oo ku dhex baxeysay Barnaamijka Dhalinyarada ayaa waxa ay soo socotay mudo Shan bilood ah, waxaana soo daadihinayay Barnaamijkaas Deeq Xuseen Deeq iyo Abwaan Cabdi C/laahi Koongo oo ahaa Guddiga Tartanka.
Ugu dambeyntii Anisa C/laahi Axmed ayaa ka mahadcelisay Abaalmarintan, iyada oo gabayo ammaan ah u tirisay Idaacadda Risaala iyo Shirkadda Cheap Computers.




