Muqdisho-RisaalaFM- Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidanka Millitariga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin xiisada siyaasadeed ee ka jirta degaanada maamulka Galmudug.
Afhayeenka Ciidanka xoogga dalka C/laahi Iimaan Ceynte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Ciidanka Millitariga Soomaaliya in aysan saameyn ku laheyn arrimaha siyaasadeed ee ay ku soo eedeeyeen Dowlad goboleedkda Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne (Xaaf).
Wuxuu sheegay Ciidanka xoogga dalka in aysan aheyn Ciidan beeleed, balse ay yihiin Ciidanka Qaranka, kuwaasi oo ka amar qaata Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Axmed Maxamed Jimcaale.
C/laahi Iimaan Ceynte ayaa dhammaan Dowlad goboleedyada ka jira dalka wuxuu ugu baaqay in ay dhowraan sharafta, iyo agabka Ciidamada, wuxuuna Ciidamada ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan arrimaha siyaasadeed.



