Ciyaaryahan ka tirsanaa xulka Qaranka Soomaaliya oo geeriyooday

Alle ha u naxariistee Cumar C/Qaadir Baarajab oo ka mid ahaa ciyaartooydii kubada kolayga Qaranka iyo naadiga LLPP JEENYA oo waayahan xanuunsanaa ayaa ku  geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta sida uu noo xaqiijiyey Wariye Xuseen Cilmi Cali (Otto Dheere) oo ay ka wada tirsanaayeen naadiga LLPP iyo xulka qaranka..

Alle ha u naxariistee Cumar C/Qaadir Baarajab ayaa  ciyaaraha kusoo biiray 1977 , waxa uuna usoo ciyaaray xulka Qaranka asagoo sidoo kale soo noqday Tababaraha Xulka Qaranka ee kubadda Kolayga.

Sidoo kale waxa uu soo noqday tababaraha Gabdhaha kubada kolayga LLPP JEENYA waxa uuna xubin ka ahaa xiriirka kubadda kolayga.

Marxuumka ayaa la taliye usoo noqday Xulka Qaranka Ugandha , waxa uuna waayahan danbe leylin jiray ciidamada Booliiska Imaaraadka Carabta.