Ciyaartoyda Barcelona Oo Booqday Daafaca Dortmund Marc Barta

Laba ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ayaa booqasho ugu tagay daafacii hore Balaugrana haatanna ka tirsan Dortmund Marc Barta kaas oo ku dhaawacmay qaraxii lala eegtay bus-kii kooxdiisa ka hor kulankii ay la dib dhigay ee As Monaco.

Daafaca qaranka Spain ayaa ka jabay cumaacunta [inta u dhaxeysa suxulka iyo calaacasha], balse qaliinkii lagu sameeyay waa lagu guuleystay inkastoo ay kooxdiisa lumiyeen kulankii ay Monaco la yeesheen habeenkii xigay markaas oo 3-2 lagu suldaaray.

Sida warbixinta lagu sheegay muraayadda daaqadda baabuurka oo jab ah ayaa laga soo saaray gacanta Bartra, balse waxaa Dortmund ku booqday Sergio Busquets iyo Jordi Alba oo ah laba xidig oo ka tirsan Balaugrana.

Marc Bartra ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay jimcadii lasoo dhaafay qoraal yar oo qeexaya wixii uu la kulmay wuxuuna yiri: “15-kii daqiiqo ee ugu dheereed nolosheyda ayey aheyd”

Kadib guuldaradii Monaco, Dortmund waxey guul ka heleen Eintracht Frankfurt markaas oo ay sabtidii 3-1 ku dubteen, halka Barcelona wiilasheeda ay guul ka gaareen Sociedad.

Ugu dambeyntiina booqashada labadaan xidig ayaa kusoo aadeysa xilli Barca ay isku diyaarineyso kulanka lugta labaad ee Juventus.