Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo Al-Shabaab kala wareegay degaano

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Waqooyiga degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa u jeedkiisu ahaa baacsiga Xubno ka tirsan khawaarijta fariisimo ka sameystay wadada Xariirisa Qurac-joome iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa  waxa hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq iyo Taliyaha sahanka guutada dhamme Aadan Gaabow isaaq.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in sidoo kale deegaanka Axmed-kooray oo qiyaastii 60-Km ujirta degmada Xuddur howlgalka laga sameeyay, isla markaana ay iskaga tageen wadadii ay ku xayiri jireen ummadda ,ayna ciidanka ay soo dhaafsiyeen Gawaari shacab ku xayirneyd wadada.