Hiiraan-RisaalaFM- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hiil Walaal ee Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ururka Al-shabaab waxa ay kala wareegeen degaano hoosyimaada Gobolka.
Degaanada ururka Al-shabaab lagala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Indha Caad, Afar Irdood, Ceel lahele iyo Ceeyrow oo hoos yimaada Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 10-aad ee Qeybta 21-aad ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa xaqiijiyay warkan.
Dhanka kale Gaashaanle Dhexe Maxamuud (Baakaay) ayaa ka hadlay weerar ururka Al-shabaab ay wadada ugu galeen kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.
“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxay degaan u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ku dileen 12 ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo si dhumaaleysi ah u galay wadada”. Ayuu yiri Taliyaha.
Sidoo kale G/Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa waxa uu xusay mudooyinkii dambe Al-shabaab in ay gobolka Hiiraan ka wadeen dhaq dhaqaaq, wuxuuna sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay bilaabeen howlgalo lagula dagaalamayo Shabaab.
“Al-shabaab mudooyinkan dambe Gobolka Hiiraan waxa ay ka wadeen dhaq dhaqaaq dhuumaaleysi ah xogtaasi waan la soconay waxaana ciidanka ay bilaabeen howlgalo lagu cirib tirayo al-shabaab”.
Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) uu ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Shabaab aya Ciidamada xoogga dalka waxay sii laba jibaareen Dagaalada ay la galayaan Shabaab.



