Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka maamulka Puntland ay xireen Sh. Maxamed Macalin Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga dhismaha Wadada dhexmarta Bartamaha Boosaaso.
Ciidanbka ayaa la sheegay in ay qabteen Sheekh ka dib markii uu kasoo laabtay Safar uu kaga maqnaa dhowr maalmood degaanada maamulka Puntland.
Ciidanka maamulka Puntland ayaa horay u xiray Sadex xubnood oo ka tirsan Guddigaasi oo loo heysto Lacag ay u soo dirtay Dowladda Fedraalka ah.
Guddiga ayaa diiday in ay celiyaan lacagta oo sheegeen in dhismaha Wadada ay ugu deeqday dowladda dhexe ee Soomaaliya.